Netanyahu ayaa la sheegay inuu ku qanciyay Trump, sidii dib loogu billaabi lahaa dagaalka Iiraan, isagoo toddobaadkii hore la wadeegay xog cusub oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyo ay Iiraan bilowday oo ku saabsan horumarinta nukliyeerka, iyadoo dagaalkan uu dib u bilaaban karo ka hor 3 November oo ay dhacayso doorashada dhexe ee Mareykanka, sida ay waxyar ka hor baahiyeen Al Jazeera, Axios iyo Channel 12.
Dhinaca kale Trump oo hanjabaad u diray Xu/tiyiinta Yemen ayaa yidhi “Waxaan moodayay in Xu/tiyiintu ay cashar ka barteen duqeymihii xooga badnaa ee aan ku qaadnay sanad ka hor, balse aan joojinay kadib markii ay iyagu naga codsadeen.”
“Mudo dheer way aamusnaayeen laakin hada ayay markale soo baxeen, waxay u badan tahay in waxa ay Xu/tiyiintu sameynayaan ay ka dambeyso Iiraan oo ah dal fashilmay oo aan lahayn ciidan baddeed iyo ciidan cir, waxayna Xu/tiyiintu si arxan daro ah u weerarayaan Sucuudiga, iyagoo si ula kac ah iskugu dayaya iney sarey u qaadaan qiimaha saliida”
Trump wuxuu xusay inuu tuhunsan yahay in Xu/tiyiinta ay weeraradan ka leeyihiin ujeedooyin siyaasadeed isla markaana ay isku dayayaan iney si ulakac u kordhiyaan qiimaha saliida kahor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka, wuxuuna ugu hanjabay Xu/tiyiinta inuusan iloobin doonin waxa ay sameynayaan ee uu usoo laaban doono doorashooyinka kadib
