Muran ayaa ka taagan Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markii saddex diyaaradood oo xamuul ah oo ay leedahay Itoobiya ay doonayeen in ay dalka ka qaadaan ciidamo, shaqaale iyo diblumaasiyiin ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta oo dalka laga cayriyay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa oggolaatay in dadka oo keliya la qaadi karo, balse si adag u diiday in wax qalab ama gaadiid ah la raro, sababo la xiriira baaritaanno amni oo dheeri ah iyo xiisadda siyaasadeed ee sii xoogaysanaysa ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Dowladdu waxay ku adkaysanaysaa in aan wax alaab ah la qaadi doonin illaa baaritaanno dhammaystiran lagu sameeyo, xilli Itoobiya ay codsatay waqti kooban oo wada-tashi ah si go’aan kama dambays ah loo gaaro.
Dowladda ayaa horay u ogolaatay ugu yaraan 10 duulimaad in Imaaraadku dalka ugu guuro balse waxaa loo baahday duulimaadyo dheeraad ah, dowladda ayaa diiday in diyaaradaha Imaaraadku dalka ku soo laabtaan balse Imaaraadka ayaa Itoobiya ka dalbatay in dal 3aad loo ogolaasho la siiyo si loo loo daadgureeyo qalabka milatariga balse dowladda ayaa mar kale diiday in aan la qaadayn alaabta ilaa baaritaano kale la marsiiyo.

