Raysal wasaaraha Lubnaan ayaa hadda hadlay weerarrada aan loo meel dayin ee ay Israa|l ka wadda caasimada Bayruud ee dalka Lubnaan, wuxuu yidhi: “Waxaan codsanaynaa in si kasta oo lagu joojin karo lagu joojiyo weerrarada Israa|l ee dalkeena.”
Xiisadda Bariga Dhexe ayaa mar kale cirka isku shareertay kadib markii Iran ay si kulul uga hadashay duqeymo culus oo Israel ka fulisay Lubnaan, gaar ahaan caasimadda Beirut.
Saraakiil sare oo ka tirsan Tehran ayaa sheegay in Iran ay ciqaabi doonto Israel, iyadoo la qaadayo tallaabooyin militari oo ka dhan ah saldhigyada ciidamada Israel, sida ay warisay wakaaladda Fars.
Dhanka kale, Iran waxay ku adkaysatay in xabbad-joojinta kasta ee laga gaaro colaadda ay tahay inay si cad ugu jirto Lubnaan iyo guud ahaan gobolka, taasoo ay Israel diiday.
Ururka Hezbollah ayaa aqbalay xabbad-joojin laba toddobaad ah, inkastoo Israel ay sii waddo weerarrada ay ka wado Lebanon.
Hezbollah waxay joojisay weerarradii ay ku hayn jirtay Israa’iil, balse Israa’iil ayaa weli duqeymo wada, iyadoo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu sheegay in xabbad-joojintu aysan khusayn Lubnaan.

