135
Baarlamanka Puntland oo ka hadlay xaaladda-siyaasadeed ee dalka iyagoo hoosta ka xariiqay in xuduudaha Puntland ee ku cad Dastuurka Puntland ay yihiin lama taabtaan aan la kala qaybin karin.
Goluhu wuxuu sheegey in Dowladda Federaalka loo idmaday ilaalinta midnimada ummadda waxyaabaha dhacayna ay iyadu mas’uul ka tahay, iyaga oo ku eedeeyey DFS in ay ku mashquushay kala qaybinta, cunaqabataynta iyo dadka Soomaaliyeed.

