Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance oo saarnaa diyaaradda Air Force Two ka hor wada-hadallada u dhexeeya wafdiyada Maraykanka iyo Iiraan ee ka dhacaya Pakistan ayaa ka hadlay rejada wdahadalada.
“Waxaan rajaynaynaa wada-hadallada,” ayuu yiri ka hor inta uusan diyaaradda fuulin, isagoo intaas ku daray in Maraykanku diyaar u yahay inuu “gacan furan fidiyo” haddii Iiraaniyiintu si “daacad ah” u dhaqmaan. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in haddii ay “isku dayaan inay na khiyaaneeyaan,” Maraykanku aanu diyaar u noqon doonin wada-shaqayn.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa siiyey tilmaamo hagaya wada-hadallada, ayuu sheegay.
Wada-hadallada ayaa ka dhici doona Islamabad, Pakistan, waxaana la filayaa inay bilaabmaan Sabtida, sida ay hore u shaacisay afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt.
JD Vance waxaa la socda ergayga gaarka ah Steve Witkoff iyo Jared Kushner, balse Islamabad ayaa weli sugaysa imaanshaha wafdiga Iiraan, sida uu weriyahayaga Pakistan ku sugan sheegay.

