Iiraan Oo Bilawday Dib u Dhiska Kaabayaashii kaga Burburay Duqaymihii loo geystay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan waxay bilaabeen in ay dib u dhisaan kaabayaashii kaga burburay duqaymihii loo geystay.waxay dib u dhistay buundada tareenka ee Yahyabad ee Kashan oo maalmo kahor duqeymo ku burburisay, waxayna Iiraan soo dhigtay muuqaal tareen ka gudbaya.

Dib-u-dhiska deg dega ah ee lagu sameeyay buundada ayaa lagu tilmaamay arrin cajiib ah oo si taxaddar leh loo qaabeeyey.

Cutubyada Ciidanka Iiraan u qaabilsan gantaalaha oo la hadlay shacabka Iiraan ee wadooyinka usoo baxay si ay u taageeraan ciidankooda ayaa yidhi. “joogitaankiina wadooyinku, waxay na siisay geesinimo aan ugu adkeysano goobta dagaalka. ilaa dhibicda ugu dambeysa ee dhiigeena waxaan sii wadi doonaa inaan iska caabino cadowga.”