Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan, Ismaaciil Baqaa’i ayaa warbaahinta in wafdigii Iran ay dhinaca Pakistan kulan socday ku dhawaad laba saac ay la qaataateen. kaasooa lagu soo badhigay aragtida Iiraan iyo dalabaadkeeda, oo ku saleysan 10-ka qodob ee ay wataan.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in Iiraan ay si joogto ah ula xiriirayso Lubnaan si loo hubiyo in xabbad-joojintu ka hirgasho dhammaan jihooyinka. Intaas waxaa dheer, wuxuu sheegay in maanta la arkay falal ku dhow inay jebiyaan xabbad-joojinta, isla markaana ay ka digeen dhinaca ay is hayaan, taasoo u muuqata inuu tixraacayo markabka Mareykanka ee isku dayay inuu gaaro marin-biyoodka Hormuz.

