Warbaahinta rasmiga ah dawladda Iiraan ee IRIB ayaa hadda ku warrantay inuu Mareykanku oggolaaday in la sii daayo hantida Iiraan ee la xannibay, isla markaana Lubnaan lagu daro heshiiska xabbad-joojinta , iyadoo labadan qodob ay ahaayeen shuruuda ay Iiraan ku xirtay in wada-hadalku bilowdo,xilli wadahadallo toos ah ay hadda u billaabanayaan wafuudda Mareykanka iyo Iiraan ee Pakistan ay dhex dhexaadinayso.
Wafuudda Iiraan iyo Mareykanka ee ku sugan Pakistan ayaa lagu warramayaa inay hadda yeelanayaan wada-hadallo toos ah oo fool-ka-fool ah,iyadoo wada-hadallada ay goob-joog ka tahay Pakistan oo labada dhinac dhex dhexaadinaysa, sida uu baahiyay telefishinka Al Jazeera.
Is-aragga labada wafdi ayaa muujinaya inay isbeddelo ku yimaadeen meelaha ay kala joogeen, in kastoo wali ay jirto kala aragti duwanaan wadahadallada ka dhigaysa kuwa adag.

