Sida laga soo xigtay CNN, xogo laga helay sedex ilood oo magacyadooda la shaacin ayaa sheegay in Shiinuhu uu qorsheynayo inuu dhowr todobaad gudaheed Iiraan ugu geeyo nidaamyo difaaca hawada ah.
Labo kamid ah ilahaas waxay sheegeen iney jiraan calaamado muujinaya in Shiinuhu uu isku dayayo inuu adeegsado Dal sedexaad si uu ugu gudbiyo hubkan, si loo qariyo halka uu asal ahaan hubkani ka yimid, walow aan wali si ramsi ah loo sheegin dalkaasi sedexaad dalka uu yahay.
Ilo kale waxay sheegeen in Shiinuhu uu Iiraan siinayo hubka difaaca hawada ee loo yaqaano MANPADS, kuwaaso ah gantaalo difaac oo garbaha laga rido, lagula dagaalamo diyaaradaha ku duulaya jooga hoose si ay uga dhuuntaan raadaarada.

