Saturday, October 31, 2026

Kooxaha ku Bahoobay Isbahaysiga shacabka Ethiopia Oo Warsaxaafadeed soo Saaray

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Kooxaha ku bahoobay Isbahaysiga shacabka Ethiopia ee (Alliance for Survival) ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Itoobiya.

Afarta qodob ee ugu muhiimsan ee ku xusan bayaanka ayaa kala ah:

1. In xukunka laga tuuro Xisbiga Barwaaqo oo isbahaysigu ku eedeeyay kalitalisnimo iyo inuu mas’uul ka yahay dagaallada iyo dhibaatooyinka dalka kajira, waa siday iyagu shegeene.

2. In la abuuro marxalad ku-meel-gaar ah, si loo soo afjaro colaadaha loona dhiso dawlad ku-meel-gaar ah.

3. In la mideeyo layskuna dubbarido xoogagga mucaaradka ee gudaha dalka iyo qurbo-joogta, si ay u yeeshaan hal mowqif iyo qorshe wadajir ah.

4. In la xoojiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga gobolka, iyadoo lala shaqaynayo ururrada siyaasadeed, bulshada rayidka ah, aqoonyahannada iyo beesha caalamka.

Sido kale waxay ka hadleen dagaalka moyaale iyago moyaale iyo degaanka somaalida labo ukala qaaday.