HNN: Nin ayaa la xiray kadib markii uu galay meel aan loo oggolayn oo ka mid ah garoon diyaaradeed oo ku yaalla Jamhuuriyadda Ireland, isla markaana lagu eedeeyay inuu waxyeello u geystay diyaarad milatari oo Mareykan ah, sida ay booliisku sheegeen.
Eedeysanaha oo da’diisu ku dhowdahay 40 jir ayaa loo xiray fal burburin hanti (dambiga waxyeellaynta), wuxuuna weli ku jiraa xabsi kadib dhacdadii Sabtidii ka dhacday garoonka Shannon ee gobolka Clare.
Muuqaallo ku faafay baraha bulshada ayaa u muuqda inay muujinayaan qof kor u fuulaya diyaarad nooca xamuulka ah ee ciidamada cirka Mareykanka, C-130 Hercules, oo taallay meel fog oo runway-ga ka baxsan.
Ninkan ayaa ku dhawaaqaayey ereyo ka dhan ah dawlada Maraykanka, kana cadhaysnaa falalka amni daradda ee Maraykanku ka wado caalamka sida laga maqalaayo muuqaalo laga duubay. Muuqaalada waxaa laga arkayaa isaga oo sita bir oo la dhacaya baalasha dayaaradda.
Afhayeen u hadlay booliiska Ireland (Garda Síochána) ayaa bayaan ku yiri:
“Sabtidii, 11-ka Abriil 2026, nin qaangaar ah ayaa galay meel aan loo oggolayn oo ka mid ah garoonka Shannon, ee gobolka Clare.
“Ninkan oo da’diisu ku dhowdahay 40 jir ayaa loo xiray fal burburin hanti ah wax yar ka hor 11:00 subaxnimo, waxaana hadda lagu hayaa saldhig booliis oo ka tirsan qaybta Clare/Tipperary, iyadoo lagu hayo qodobka 4-aad ee Xeerka Caddaaladda Dambiyada 1984.
“Baaritaanno ayaa weli socda.”
Marka laga soo tago booliiska, waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidanka amniga garoonka, waaxda dab-damiska iyo samatabbixinta ee garoonka Shannon, iyo xubno ka tirsan ciidamada difaaca ee halkaas ka shaqaynayay.
Howlgalladii garoonka ayaa si ku-meel-gaar ah loo hakiyay dhacdadan kadib. Laba duulimaad oo baxayay ayaa dib u dhacay, halka diyaarad ka timid Lourdes, Faransiiska, lagu qasbay inay hawada ku wareegto (holding pattern).
Afhayeen u hadlay Shannon Airport Group ayaa sheegay in howlaha garoonku si degdeg ah dib ugu bilaabmeen kadib dhacdada.
“Garoonku wuxuu hakiyay shaqadiisa qiyaastii 9:50 subaxnimo, wuxuuna dib u bilaabay 10:15 subaxnimo.”

