Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in Iran ay heshay “hub aad casri u ah” kaddib dagaalkii dhawaan dhexmaray iyaga iyo Mareykanka.
“Intii uu socday dagaalkii afartanka maalmood, Iran waxay inta badan ku tiirsaneyd hubkeedii duugga ahaa balse wixii markaas ka dambeeyay waxay heshay hub aad casri u ah” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Ilaalada Kacaanka, Hossein Mohebi.
Afhayeenku ma uusan ka hadal faahfaahinta “hubkan aadka casriga u ah” ama sida ay ku heleen.
Sarkaalka sare oo ka tirsan ciidamada IRGC ayaa intaas ku daray in “Iran ay diyaar u tahay in ay kaga jawaabto fal kasta oo gardarro ah oo dib u soo cusboonaada awood ka badan tii hore, Mareykankana wuxuu la kulmayaa cawaaqib ka xanuun badan kii hore”.
Sida uu sheegay Mr. Mohebi, “Hadallada ka soo yeeraya mas’uuliyiinta Mareykanka ee ku saabsan in iskaashi-la’aan ay ka dhex jirta hoggaanka Iran ay yihiin kuwo gebi ahaanba been ah, oo lagu qancinayo ujeedka Washington ee guuldarada dagaalka”.
