Ganacsato ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa la soo sheegayaa in ay joojiyeen isticmaalka lacagta shilin Soomaaliga, arrintaas oo si toos ah u saameysay shacabka ku tiirsan lacagta kaashka ah ee dalka.
Wararka laga helayo Caasimada ayaa tilmaamaya in qaar ka mid ah suuqyada caasimadda, gaar ahaan degmada Heliwaa, laga diiday lacagta kunka shilin Soomaaliga, iyadoo lagu beddelay isticmaalka dollarka Mareykanka iyo lacagaha dhijitaalka ah ee taleefannada lagu kala qaato.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in sababta ugu weyn ay tahay in lacagta shilin Soomaaliga ay duugoowday, jeexjeex badan tahay, isla markaana aysan jirin dib u cusbooneysiin rasmi ah oo ay dowladdu sameysay muddo dheer.
Mid kamid ah shacabka ayaa sheegay in xaaladdu ay saameysay nolosha maalinlaha ah, gaar ahaan gaadiidka dadweynaha iyo adeegyada suuqyada.
“Subaxnimadii maanta Suuqa Xoolaha ee Heliwaa waa laga diiday kunka shilin, gaadiidkuna wuu la mid yahay, dadka qaarna lama aqbalo lacagtaas,” ayuu yiri qof deegaanka ah.
Arrintan ayaa imaneysa iyadoo gobollo kale oo dalka ah hore looga diiday isticmaalka shilin Soomaaliga, halka inta badan dhaqaalaha suuqyada waaweyn uu ku tiirsan yahay dollarka iyo lacagaha mobile-ka.

