Villa Somalia oo Dhaleeceysay Safarka Qarsoodiga ah ee Madaxweyne Cirro.

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Golfyare), ayaa si xoogan u dhaleeceeyay safarka qarsoodiga ah ee madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro), kaas oo haatan ku guda jira socdaal diblumaasiyadeed, kadib markii uu xiriir la sameeyay Israa’iil.

Golfyare ayaa is barbar dhigay safarrada madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul gooni u goosadka ah ee Somaliland. Wuxuu sheegay in safarrada madaxda qaranka ay yihiin kuwo qorsheysan oo muhiimad gaar ah u leh shacabka, isla markaana muwaadiniintu xaq u leeyihiin inay la socdaan macluumaadka safarka—laga bilaabo waqtiga la qorsheynayo, muddada, mas’uuliyiinta safraya, ajendaha safarka, cidda lala kulmi doono, iyo natiijada laga gaaro.

Agaasimaha Villa Soomaaliya wuxuu ku eedeeyay madaxda Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Cirro, inay ka dhuuntaan shacabka, isla markaana ay ku hawlan yihiin arrimo halis ku ah dhaqanka, diinta, iyo mabaadi’da bulshada, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu tilmaamay in safarrada qarsoodiga ah ee maamul gooni u goosadku ay soo kordhiyaan shaki iyo hadal-heyn, ayna ka horimaanayaan hufnaanta iyo isla xisaabtanka loo baahan yahay.

Sidoo kale Golfyare wuxuu suxufiyiinta madax-bannaan ku dhaliilay dhiirrigelinta qarinta xogta safarrada madaxda, isagoo sheegay in “suxufi dhiirri gelinaayo in xogta safarrada madaxda la qariyo 2026 waa wax lala yaabo”.

Safarkan Cirro ayaa imaanaya wax ka yar bil kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu taleefan taariikhi ah la yeeshay madaxweyne Cirro 26-kii Diseembar 2025. Wicitaankaas ayaa lagu sheegay inuu Israa’iil aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland, iyadoo Cirro lagu casuumay Tel Aviv. Madaxweynuhu wuxuu ballanqaaday inuu booqan doono Israa’iil “sida ugu dhaqsaha badan” sanadka 2026, taas oo keentay hadal-heyn xoogan kadib markii diyaarad gaar ah ay ka qaaday Hargeysa.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.