Madaxweyne Trump oo maanta khudbad ka jeediyay shirka Davos ee madasha dhaqaalaha Aduunta ayaa sheegay in haddii Maraykanku go’aansado inuu Greenland xoog ku qaato ay noqon doonto arrin “aan la joojin karin”, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay: “Ma doonayo inaan adeegsado xoog. Xoog ma adeegsan doono. Waxa kaliya ee Maraykanku codsanayo waa meel la yiraahdo Greenland.”
Trump ayaa mar kale ka hadlay doorka milatari ee Maraykanku ku lahaa Greenland intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, isagoo u muuqday inuu soo jeedinayo in kaalinta difaac ee Maraykanku markaas ka qaatay ay maanta u noqonayso marmarsiiyo uu ku doonayo inuu gacanta ku dhigo Greenland.
“Waxaan badbaadinay Greenland, waxaana si guul leh uga hor istaagnay cadowgeenna inay saldhig ka samaystaan dhulkeenna, ayuu Trump yiri. “Dagaalka kaddib, Greenland waxaan dib ugu celinnay Denmark. Sidee baan nacas u ahayn inaan sidaas samayno? Laakiin waan samaynay.”
“Balse iminka, sidee bay u yihiin kuwo aan mahadnaq lahayn,” ayuu Trump sii raaciyay.
𝗧𝗿𝘂𝗺𝗽 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗶𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘀𝘁𝗮𝗿𝗮𝗮𝘁𝗶𝗶𝗷𝗶𝘆𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱 𝗲𝗲 𝗚𝗿𝗲𝗲𝗻𝗹𝗮𝗻𝗱
Madaxweynihii Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Greenland ay leedahay muhiimad istaraatiijiyadeed oo sare, isagoo ku tilmaamay “dhul ballaaran oo inta badan aan la degganayn, aan la horumarin, isla markaana aan si buuxda loo difaacin”, kuna yaalla meel muhiim ah oo u dhaxaysa Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha.
Trump ayaa sheegay in muhiimadda Greenland ay sii kordhisay kororka xiisaha iyo baahida loo qabo macdanta naadirka ah balse wuxuu xusay in taasi aysan ahayn sababta ugu weyn ee Mareykanku u daneynayo.
“Taasi ma aha sababta aan u baahanahay. Waxaan u baahanahay arrimo la xiriira amniga qaran iyo amniga caalamiga ah,” ayuu yiri Trump.
Wuxuu sidoo kale ku dooday in Greenland ay ka tirsan tahay qaaradda Waqooyiga Ameerika, sidaas darteedna ay tahay “dhul noo gaar ah”.
“Arrintaas darteed, waa dan amni qaran oo muhiim u ah Mareykanka,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.
𝗫𝘂𝗹𝗮𝗳𝗮𝗱𝗮 𝗠𝗮𝗿𝗲𝘆𝗸𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗳𝗮𝗹𝗰𝗲𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗵𝗮𝗻𝗷𝗮𝗯𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗧𝗿𝘂𝗺𝗽 𝗲𝗲 𝗹𝗮 𝘄𝗮𝗿𝗲𝗲𝗴𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗿𝗲𝗲𝗻𝗹𝗮𝗻𝗱
Xulafada Mareykanka ayaa si adag uga falceliyey hadallada Madaxweyne Donald Trump ee ku aaddanaa hanjabaad uu ku sheegay inuu doonayo inuu “la wareego” jasiiradda Greenland, taas oo uu sheegay Talaadadii.
Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, oo ka hadlayay shirweynaha dhaqaalaha adduunka ee Davos,ayaa u sheegay wufuudda iyo madaxda caalamiga ah in hadda ay tahay waqtigii dunidu qiyaasi lahayd mustaqbal aan ku tiirsanayn hoggaanka Mareykanka.
Carney ayaa tilmaamay in isbeddellada siyaasadeed ee ka imaanaya Washington ay keeni karaan xaalad cusub oo dalalka xulafada ah ay ku khasbanaan karaan inay xoojiyaan isku-tashigooda iyo doorkooda hoggaamineed ee caalamka.
Hadalladan ayaa imanaya xilli dood xooggan ay ka taagan tahay xiriirka Mareykanka iyo xulafadiisa, gaar ahaan marka la eego mowqifyo adag oo Trump ee la xiriira arimaha juqraafi iyo amni ee caalamka
Warbaahinta ayaa sheegtay in hadallada Trump ee ku saabsan Greenland ay sare u qaadeen xiisadda diblomaasiyadeed, iyadoo la sugayo jawaabaha dheeraadka ah ee ka imanaya dowladda Denmark iyo maamulka Greenland.

