Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Gobolka Geeska Afrika aanu heleyn nabad ilaa Itoobiya ay hesho marin-badeed, isaga oo waraysi siinaya Telefishinka dowladda ee EBC:
“Deriskeenna waa inay fikiraan…5000km laga bilaabo cirifka Mesawa ilaa cirifka Muqdisho, ayaa ah halka uu ka jiro khayraad aad u badan, laakin arxan darro & in aysan marin-badeed na siin ma caawin doonto.”
Wuxuu intaas ku daray: “Haddii ay Itoobiya heli waydo badda, kaliya koriimo la’aan kuma dhacayso Itoobiya, laakiin gobolku horumar ma samaynayo, Kaymaha duurjoogto nabad ma ahaan doonaan, ganacsiga adduunkuna khalkhal ayuu geli doonaa.”

