Sunday, October 18, 2026

Baarlamaanka Iiraan Oo Ansixiyay Magacaabista Wasiirka Cusub ee Gaashaandhigga Dalkaasi

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Baarlamaanka Iiraan ayaa ansixiyay magacaabista Mehrdad Akhlaghi Ketabchi inuu noqdo wasiirka cusub ee gaashaandhigga dalkaasi, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha dagaalka kala dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil.

Ketabchi oo 68 jir ah ayaa xilka loo ansixiyay Axaddii, iyadoo 237 xildhibaan ay taageereen magacaabistiisa, halka 15 kale ay ka soo horjeesteen.

Wasiirka cusub ayaa hoggaamin doona Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Saadka Ciidamada Qalabka Sida ee Iiraan. Baarlamaanka dalkaas ayaa kulamadiisa ku qabanayay habka internet-ka tan iyo markii uu billowday dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan, 28-kii Febraayo.