Afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo, Turki Al-Malki, ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegay in dagaalka Yemen uu dhammaan karo berri haddii Xuutiyiintu oggolaadaan inay yimaadaan miiska wadahadalka.
Afhayeenka wuxuu tilmaamay in soo afjaridda colaaddan ay ku xiran tahay in kooxdu ay aqbasho wada-xaajood nabadeed.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo weli la raadinayo xal lagu soo celiyo nabadda iyo xasilloonida dalka Yemen.
Sikastaba ha noqotee Xiisadda u dhexeysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa loo arkaa inay sii kordhinayso, eedeymaha iyo hanjabaadaha ay midba midka kale u jeedinayo.
