Ciidamada Badda ee Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa ku dhawaaqay in ay hawlgal ku fuliyeen markab nooca “supertanker” ah oo diiday inuu u hoggaansamo amaradooda, oo galabta marayay marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.
Ciidanka IRGC ee Iran ayaa heegay in markabka uu damiyay nidaamka hagidda (navigation system), isla markaana uu iska indho-tiray digniino xiriir ah oo loo diray.
Iran ayaa ku andacootay in markabku uu isku dayay inuu si aan fasax lahayn uga baxo marinka Hormuz, taas oo keentay in tallaabo milatari laga qaado.
Weerarka ka dib, markabka ayaa qabsaday dab xooggan, waxaana uu noqonayaa markabkii saddexaad oo noocan ah oo la beegsado muddo laba maalmood gudahood ah.
