Wednesday, June 24, 2026

Iran Oo ku Dhawaaqday Inay ku Biirayso Isbahaysiga Difaac Ee u Dhaxeeya Pakistan iyo Sacuudiga

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dawladda Iiraan ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay in ay ku biirto nidaamka isbahaysiga difaac ee u dhaxeeya Pakistan iyo Sacuudiga , kaasoo dhigaya weerar lagu qaado mid ka mid ah dalalkan in lagu qaaday dhammaantood oo ay wadajir isku difaacaan, weerarna u qaadi karaan , hab la mid ah isbahaysiga NATO.

Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian ayaa ku dhawaaqay xilli la filayo in la ballaariyo isbahaysigan oo ay ku biirayaan dalalka Turkiga, Qatar iyo Masar, inta uu ku sugnaa dalka Pakistan oo uu shalay ku tagay booqasho rasmi ah.

Madaxwaynaha oo araimahan ka hadlaya aayaa Wuxuu yiri ;“Waxaan fidineynaa gacanta saaxiibtinimo si aan u dhisno isfaham iyo nidaam amni oo ay wadaagaan dalalka gobolka.”

Wuxuu intaa ku daray ;“Waxaan aaminsanahay in dalalka Muslimiintu ay sameystaan hal saf oo mideysan…Iiraan iyo Pakistan waxay leeyihiin awood iyo fursado badan. Haddii la iska kaashado, xiriirka labada dal wuxuu gaari karaa heer sare, wuxuuna tusaale u noqon karaa midnimo iyo walaaltinimo dhex marta dalalka Islaamka.”