Israa’iil ayaa duqeyn ku burburisay warshad yar oo biyaha cusbada ka saarta, taas oo laga dhisayay deegaanka Sheekh Radwaan ee waqooyiga magaalada Qasa. Warshadda ayaa maalmo uun ka harsanaayeen inay bilowdo bixinta biyo la cabbo oo loogu talagalay qoysaska ay Israa’iil horey dhismayaashoodii u burburisay, sida ay maanta werisey Reuters.
Duqeynta ayaa sidoo lagu burburiyay masaajid ku yaallay goobta.
Marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta, wuxuu wajahaya dhibaato biyo la’aan oo aad u daran, taas oo soo jiitamaysay sannado, waxaana sii xumeeyay burburka ay Israa’iil u gaysatay ceelasha, dhuumaha biyaha iyo xarumaha waaweyn ee biyaha cusbada laga saaro.
Warshadda hadda ay burburisay Israa’iil waxaa loogu talagalay inay biyo gaarsiiso boqolaal ilaa kumannaan qoys oo barakacay oo ku nool deegaanka.
