Saturday, April 18, 2026

Masar iyo Pakistan Oo Sheegay Inay Heshiis kama Dambeys ah Dhex-dhigaan Iran iyo Mareykanka

by Heemaaln
1 minutes read

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa ku dhawaaqay in Masar iyo Pakistan ay si “aad u dhab ah” uga shaqeynayaan dhexdhexaadin si loo fududeeyo heshiis kama dambeys ah oo u dhexeeya Mareykankaiyo Iran.

“Waxaan rajeyneynaa inaan gaarno heshiiskan maalmaha soo socda,” ayuu yiri, isaga oo ka qeyb galaya madasha diblamaasiyadda Antalya ee ka socda Türkiye.

Isagoo ka hadlayay cawaaqibta dagaalka, wuxuu intaas ku daray in “aan kaliya gobolka, balse dunida oo dhan ay la kulmi doonto dhibaato haddii colaaddan ay sii socoto.”

Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dadaallada lagu horumarinayo wadaxaajoodyada ay si dhab ah u socdaan.

Dalalka Carbeed ee gobolka ayaa lagu amaanay iney muujiyeen dulqaad oo ay si wayn isku xakameeyeen oo wax jawaab milatari ah aysan ka bixin weeradada Iiraan, taasoo hadii ay dhici lahayd la aaminsan yahay iney cirka ku laali lahayd nabadda gobolka oo marka horeba aan ku taagneyn luga adag.

Dalalka Carabta, gaar ahaan Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa dhawr mar qarka u gaadhay iney ka jawaabaan weeradada Iiraan balse markii dambe waxay go’aan ku gaadheen iney is xakameeyaan oo ay wax jawaab ah bixin.

Gobolku hada wuxuu rajo ka qabaa waan-waanta ay Pakistan ka dhex wado Iiraan iyo Mareykanka, taasoo la quudareynayo iney dib usoo celin doonto xasiloonida iyo nabadii gobolka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.