Saturday, April 18, 2026

Turkiga Oo Ciidan Gaar ah Oo Ilaaliya Markabka Shidaal Qodista u soo Diray Somalia

by Heemaaln
1 minutes read

Wasaaradda Difaaca ee Turkey ayaa shaacisay in cutub ka tirsan ciidamadeeda gaarka ah loo diray Somalia, si ay u sugaan amniga markabka sahminta shidaalka ee lagu magacaabo Çağrı Bey, kaas oo haatan ka wada howlaha baarista iyo qodista shidaalka xeebaha dalka.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay iskaashi amni oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya labada dal, kaas oo diiradda saaraya ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah iyo badbaadinta shaqaalaha ku hawlan howlaha tamarta. Dowladda Turkey waxay xustay in sugidda ammaanka goobaha sahminta ay muhiim u tahay horumarinta dhaqaalaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadka shidaalka ee Soomaaliya.

Markabka Çağrı Bey ayaa la sheegay inuu door muhiim ah ka ciyaarayo dadaallada lagu ogaanayo keydadka shidaalka ee ku jira badda Soomaaliya, iyadoo howlahan ay ka mid yihiin qorshayaasha waaweyn ee lagu horumarinayo ilaha tamarta dalka. Khubaro ayaa aaminsan in haddii la xaqiijiyo keyd shidaal oo ganacsi ahaan faa’iido leh, ay Soomaaliya ka caawin karto kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta ku tiirsanaanta deeqaha dibadda.

Dhanka kale, dowladda Turkey ayaa mar kale xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, iyo mashaariicda horumarineed. Tani waxay muujinaysaa xiriirka istiraatiijiga ah ee sii qoto dheeraya ee u dhexeeya labada dal, iyadoo Ankara ay ka mid tahay saaxiibada ugu muhiimsan ee Soomaaliya ku leedahay gobolka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.