Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo jeediyay inuu martigeliyo shir khadka taleefoonka ah oo u dhexeeya madaxweynayaasha Mareykanka iyo Iiraan, si loo yareeyo xiisadda sii xoogeysaneysa ee labada dal.
Arrintan ayaa timid xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabayo tallaabo militari oo ka dhan ah Tehran maalmaha soo socda. Intii uu socday wicitaan taleefoon oo dhex maray Trump iyo Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa ku boorriyay in la hormariyo wadahadal diblomaasiyadeed, isla markaana uu diyaar u yahay inuu dhexdhexaadiyo labada dhinac.
Trump ayaa muujiyay xiise ku aaddan hindisahaas, balse Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian weli kama bixin wax jawaab ah. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi, oo booqasho ku jooga Istanbul, uu gudbin karo jawaabta Tehran.
Si kastaba, lama hubo in dadaalladan ay ka hortagi karaan tallaabo militari, iyadoo Turkigu mar kale ku celiyay inuu si cad uga soo horjeedo faragelin shisheeye oo lagu sameeyo Iiraan.