Iiran oo War cusub ka soo Saartay Barnaamijkeeda Nukliyeerka Xilli Xiisadi taagantahay Iiraan

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah la yeeshay dhiggiisa Turkiga, ayaa mar kale sheegay in Iran aysan raadinayn hub nukliyeer ah, isla markaana ay diyaar u tahay inay dhisto kalsooni ku saabsan nabadda ee barnaamijkeeda nukliyeerka, halka ay sidoo kale diyaar u tahay ka qaybgalka hannaan diblomaasiyadeed oo “macno leh, caqliyeysan, oo caddaalad ah.”

Isla mar ahaantaas, wuxuu sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah aysan aqbali doonin mowqifyo lagu khasbay, isagoo yiri: “Marna diyaar uma nihin inaan aqbalno amarro ama wax nalagu soo rogo, xaalad kasta ha ahaatee.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegay in mowqifyada Tehran ee ku aaddan Suuriya ay la mid yihiin kuwa Turkiga, isla markaana Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay doonayso midnimo iyo xasillooni ka dhalata dalkaas, iyo in la soo afjaro qabsashada militari ee Israa’iil halkaas ka waddo.

Wuxuu sheegay in amniga dal kasta oo ku yaalla gobolka uu yahay amniga guud ahaan gobolka, isagoo ku daray in dalkiisu taageerayo “tallaabo kasta oo ilaalinaysa nabadda iyo xasilloonida gobolka, yareynaysa xiisadaha, isla markaana fashilinaysa wax u uku tilmaamay qorshayaasha Sahyuuniyadda.”

“Maamulka Sahyuuniga” waa magaca ay Iran u isticmaasho tixraaca Israa’iil.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.