Robot loo eekaysiiyay Bini-aadam ayaa jebiyay rikoodhka adduunka ee tartanka half maaratoonka oo ka dhacay Caasimadda dalka Shiinaha ee Beijing, kaasi oo ay kuwada jireen Bini aadam iyo Robot-yo.
Mid ka mid ah Robot-yada Tartanka ku jirey ayaa boodhka ku liqey dhamaan dadkii bini aadamka ahaa iyo Robot-yadii kale ee la tartamayay isagoo 21 Km ku dhameeyay 50 daqiiqo iyo 26 ilbidhiqsi, isagoo qofkii bini aadamka ee ugu soo xigey una dhaqsiyaha badnaa ka horeeyay muddo dhan 17 daqiiqo.
Mudooyinkii ugu danbeeyay aaladaha dadku sameeyeen ee Robot-yada ayaa u muuqday kuwo awood u yeeshay iney qabtaan shaqo kasta oo dadku qaban jireen, taasi oo sababtay in Warshado badan iyo goobo kale oo ganacsi ay bilaabaan iney samaystaan Robot-yo u qabta shaqooyinkii dadku u qaban jireen.

