Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Bay, kadib dagaal culus oo ay la galeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab (AS) kuwaas oo isku dayay weerar gaadmo ah.
War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidanka Xoogga Dalka ay ka hortageen weerarkaasi, isla markaana ay gaarsiiyeen khasaare xooggan maleeshiyaadka weerarka soo qaaday. Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Deynuunaay, halkaas oo ay isku fara saareen labada dhinac.
Saraakiisha ciidanka ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga guud ee Gobolka Bay, islamarkaana lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah. Waxay sidoo kale sheegeen in ciidanku ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka iyo nawaaxigiisa, isla markaana ay wadaan howlgallo lagu baadi-goobayo firxadka Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in ay ka go’an tahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ugu baaqday shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada amniga si loo xaqiijiyo xasillooni waarta.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa tilmaamaya in xaaladdu ay haatan degan tahay, inkastoo ciidamadu ay feejignaan buuxda ku jiraan.

