Muwaadin u dhashay Yemen oo lagu magacaabo Fikri Xasan Al-Misbahi ayaa lagu dilay gudaha mid ka mid ah masaajidda ku yaalla Soomaaliya, kaddib markii lagu dhuftay dhowr toorey xilli uu ku guda jiray gudashada Salaadda Jimcaha.
Sida ay sheegeen ehelada marxuumka, gaar ahaan walaalkiis Maxamed Xasan Al-Misbahi, Fikri ayaa dhowr jeer la tooreeyey, dhaawacyadaas oo sababay dhimashadiisa.
Qoyska marxuumka ayaa sheegay in Fikri Xasan Al-Misbahi uu hore uga shaqeyn jiray Saldhigga Korontada Al-Mansuurah ee magaalada Cadan, balse uu u soo aaday Soomaaliya si uu uga shaqeeyo shirkad ka howlgasha waaxda korontada, isagoo raadinayay fursad uu qoyskiisa ku taageero.
Eheladiisa ayaa ku tilmaamay marxuumka qof lagu yaqaanay akhlaaq wanaagsan iyo dhaqan suuban, iyagoo si weyn uga tacsiyeeyay dilkiisa.
Qoyska ayaa sheegay in falka lagu eedeeyay muwaadin Soomaali ah, hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda ka dambeysay falka, sababta loo geystay iyo halka uu weerarku ka dhacay ayaan weli si rasmi ah loo shaacin.
Qoyska Al-Misbahi ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga iyo dowladda Soomaaliya inay si degdeg ah u sameeyaan baaritaan hufan oo lagu ogaanayo duruufaha iyo sababta ka dambeysa dilka, isla markaana qofkii mas’uulka ahaa loo horgeeyo cadaaladda.
Waxay sidoo kale ugu baaqeen hay’adaha dowladda Yemen, safaaradda Yemen iyo shirkaddii uu marxuumku u shaqeynayay inay kiiska kala socdaan dhinaca Soomaaliya, si loo xaqiijiyo xuquuqda marxuumka iyo qoyskiisa.
Qoyska ayaa sidoo kale dalbaday in la dedejiyo habraacyada lagu qaadayo meydka marxuumka, si loogu celiyo Yemen, looguna aaso meel u dhow ehelkiisa.
Ehelada Fikri Xasan Al-Misbahi ayaa carrabka ku adkeeyay in aysan dalbanayn aargoosi, balse ay doonayaan in kiiska lagu wajaho cadaalad iyo sharciga, iyagoo sheegay in dhacdadu ay tahay mid naxdin leh oo ka dhacday gudaha goob cibaado.
