Janaraal Muhoozi Kainerugaba, oo ah taliyaha ciidamada dhulka ee Uganda isla markaana ah wiilka madaxweynaha Yoweri Museveni, ayaa sheegay in dalkiisa uu taageeri karo Israel haddii uu sii xoogeysto dagaalka ka socda Bariga Dhexe.
Qoraallo xiriir ah oo uu toddobaadkan ku baahiyay baraha bulshada ayuu ku muujiyay taageerada Uganda ee Israel, isagoo sheegay in “Uganda ay la safan tahay Israel,” isla markaana digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay “burburiso” Israel.
Inkasta oo hadalladaasi ay yihiin kuwo shaqsi ah oo aan weli si rasmi ah uga iman dowladda Uganda, haddana waxay dhalisay falcelin ballaaran oo caalami ah, iyadoo laga cabsi qabo in ay sii hurin karto xiisadaha gobolka.
Uganda ayaa leh mid ka mid ah ciidamada ugu firfircoon Afrika, iyadoo ciidamadeeda Uganda People’s Defence Force ay ka howlgalaan dalal dhowr ah oo ay colaado ka jiraan, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Ciidamada Uganda ayaa qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, African Union Transition Mission in Somalia, halkaas oo ay kula dagaallamayaan kooxda hubeysan ee Al-Shabaab.
Khabiirro amni ayaa sheegaya in haddii Uganda ay si rasmi ah ugu lug yeelato dagaal ka baxsan qaaradda Afrika, ay taasi saameyn ku yeelan karto howlgaladeeda militari ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Dhanka kale, Uganda iyo Israel ayaa leh xiriir amni iyo sirdoon oo soo jireen ah, inkasta oo xiriirkaasi uu mar hore soo maray marxalado adag, gaar ahaan xilligii taliskii Idi Amin.
Ilaa hadda, ma jirto wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Uganda oo ku saabsan hadallada taliyaha, sidoo kale lama oga in ay ka tarjumayaan siyaasadda rasmiga ah ee dalka.
