Saturday, August 15, 2026

Uganda Oo Go’aan ka Gaartay Ciidanka jooga Somaliya.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Gaashaandhigga Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa sheegay in ciidamadooda ay sii joogi doonaan Soomaaliya, xilli ay jirto hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Uganda ayaa Soomaaliya ku leh qiyaastii 4,500 askari oo ka tirsan AUSSOM, halka ku dhawaad 2,000 askari oo kale ay dalka ku joogaan heshiis laba geesood ah oo ay Soomaaliya iyo Uganda horay u kala saxiixdeen. Wasiirka ayaa sheegay in joogitaanka ciidamada Uganda uu sii socon doono, xitaa haddii AUSSOM uu soo dhammaado.

“Uganda waxay sii joogi doontaa Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Kiwanuka, isagoo tilmaamay in qaabka cusub ee ay ciidamadooda Soomaaliya ku sii joogayaan uu weli isbeddeli karo, balse ay horey u leeyihiin ciidamo ku jooga heshiis toos ah oo ay la galeen dowladda Soomaaliya.

Mustaqbalka AUSSOM ayaa mugdi galay kadib markii Mareykanka uu sheegay inuu joojin doono maalgelinta Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) dhammaadka sanadkan, taas oo door muhiim ah ka qaadata saadka iyo taageerada howlgalka.

Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka AUSSOM iyo Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in howlgalka Midowga Afrika uu si nidaamsan oo isku dubbaridan uga baxo Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyadda amniga si buuxda loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliyeed.

Saraakiil ka tirsan milatariga ayaa sidoo kale sheegay in dalal ay ka mid yihiin Kenya, Itoobiya iyo Masar ay qorsheynayaan inay ciidamadooda sii joogteeyaan Soomaaliya wixii ka dambeeya 2026.