Saturday, August 15, 2026

Nidaamka Dal-ku-galka Soomaaliya oo Saameyn ku Yeeshay Safarrada Qurba-joogta iyo Maalgashadayaasha Somaliland

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Qurba-joog badan oo Somaliland kasoo jeeda iyo dad ajaanib ah oo qorsheynayay inay Somaliland u safraan ayaa la sheegay inay baajiyeen ama dib u dhigeen safarradoodii, kadib markii ay caqabado kala kulmeen nidaamka cusub ee dal-ku-galka Soomaaliya. Dad arrimahan u dhuun-daloola ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in nidaamkaasi uu si gaar ah u saameeyay dadka doonayay inay Somaliland yimaadaan xilliga xagaaga.

Qurba-joogta Somaliland ayaa sannadkan intooda badan aan dib u soo laaban xilliga xagaaga, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, iyadoo qaar badan ay ka cawdeen kharashka iyo habraacyada la xidhiidha dal-ku-galka Soomaaliya. Dadkaasi waxay tilmaameen in qofka doonaya inuu Somaliland yimaado uu marka hore wajaho nidaamka dal-ku-galka Soomaaliya, halka Somaliland oo aan aqoonsanayn nidaamkaas ay garoomadeeda uga baahan tahay in dadku maraan habraaceeda dal-ku-galkeeda.

Caqabaddan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay ajaanib badan oo doonayay inay Somaliland u yimaadaan ujeeddooyin ganacsi iyo maalgashi. Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegeen, qaar ka mid ah dadkaasi ayaa safarradoodii baajiyay kadib markii ay ku adkaatay ama ay waayeen dal-ku-galka ay uga baahan yihiin dowladda Soomaaliya, taas oo keentay in qorshayaal la xidhiidhay booqashooyin iyo maalgashi Somaliland lagu hakiyo.

Somaliland ayaa marar badan si cad uga soo horjeesatay nidaamka dal-ku-galka Soomaaliya, iyadoo ku doodaysa in arrimaha socdaalka iyo gelitaanka dhulkeeda ay masuuliyaddeedu saaran tahay Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay inay raadinayso waddooyin kale oo ay uga gudubto caqabadaha ka dhashay nidaamka dal-ku-galka Soomaaliya, waxaana hore loo sheegay qorshayaal ku saabsan in heshiisyo lala galo diyaarado rakaab oo Israa’iil leedahay si loo fududeeyo isu-socodka dadka u safraya Somaliland.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa nidaamka dal-ku-galka elektaroonigga ah ku tilmaantay tallaabo lagu xoojinayo maamulka iyo nidaamka socdaalka dalka. Muqdisho waxay ku adkaysanaysaa in dal-ku-galku yahay nidaam qaran oo khuseeya dadka dalka soo galaya, halka Somaliland ay diiddan tahay in nidaamkaas lagu dabaqo dhulkeeda, taas oo dhalisay isqabqabsi siyaasadeed iyo mid dhinaca socdaalka ah.

Khilaafkan ayaa sida muuqata saameyn ku yeelanaya isu-socodka dadka iyo ganacsiga, gaar ahaan xilliyada ay qurba-joogtu caadi ahaan Somaliland ugu soo laabtaan fasaxyada xagaaga.