Heemaal News Network

Booliiska Oo Gacanta ku Dhigay Eedeysane Cali Khaliif Oo Maanta Dil Geystay

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay in saakay qof shacab ah ku dilay deegaanka Daarusalaam ee katirsan gobolka Mudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in ciidamada ammaanka soo qabteen eedeysane Cali Khaliif Xirsi oo saakay dilay nin lagu magacaabayay Maxamed Arbaco.

Guddoomiye Feysal ayaa uga mahadceliyay ciidamada ammaanka iyo dadkii kale ee gacanta ka geestay soo qabashada ninka eedeysanaha ee dilka geestay, kaa oo hadda xabsiga ku jira kuna socdaan baaritaanno.

Laamaha ammaanka ee gacanta ku haya ninka dilka geestay ayaa sheegay in si dhaqso ah u horgeyn doonaan caddaaladda si loo marsiiyo ninkan ciqaabta dilka uu maanta u geestay nin la sheegay in ay isku dhaceen.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Booliska Somalia Oo Mar kale u Digay Shacabka Degan Xerada Dab-damiska Muqdisho.

Heemaaln

Ciidanka SSC ah Oo Galabta Hawlgal Ay Kuso Qabtay Ragii Habarjeclo Ee Gaadaha Ahaa.. Ciidanka SSC Khaatumo Hawlgal Deegaanka Coodanle Kaka soo qabtay Ragii Habarjeclo Ee Gaadaha Ahaa

Heemaaln

Booliiska Muqdisho Oo soo Bandhigay Shan Nin Oo Dilal kala Duwan Geestay (Sawirro)

Heemaaln