Thursday, April 23, 2026

Iiraan Oo Markii Ugu Horeysay Heshay Lacagihii ay kusoo Rogtay Maraakiibta ka Gudbaya Hormuz

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa heshay lacagihii u horreeyay oo ay bixinayaan maraakiibta ganacsiga ee ka gudbaya marin-biyoodka Hormuz, ka dib markii ay horey khidmad lacag bixin ah ugu soo rogtay markab kasta oo doonaya inuu si ammaan ah uga gudbo Hormuz.

Lacagtaa oo gaaraysa labo milyan oo dollar halkii markab oo inta badan lagu bixinayo nidaamka lacagta dhishitaalka ah ee crypto ama lacagta Shiinaha ee Yuan.

Dhinaca kale Madaxwayne Trump ayaa sheegey in uu amar ku siiyey ciidamada Mareykanka in ay gubaan doonni kasta oo ay leedahay Iiraan oo ku howllan in ay miinooyin ku aasto marinka Hormuz.

Amarka Trump ayaa imanaya xilli Mareykanku ay gacanta ku dhigeen markabkii labaad oo ay leedahay Iiraan oo shidaal marinayey badweynta Hindiya, inkastoo Iiraan iyo Mareykan, ay todobaadkan dagaal toos ah ku jirin wada-hadalkiina wuxuu ku dhaw yahay Burbur.

Screenshot

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.