Friday, October 16, 2026

Xasan Sheekh Oo Kormeer ku Tagay Markabka Çağrı Bey Ee Qodista Shidaalka Somaliya.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan biyaha Soomaaliya, halkaasi oo uu ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka.

Madaxweynaha ayaa khubarada iyo mas’uuliyiinta markabka ka dhageystay warbixin ku saabsan shaqada la qabtay, natiijooyinka laga gaaray howlaha qodista shidaalka iyo guulaha horudhaca ah ee muuqda, kuwaasi oo qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo khayraadka shidaal ee ku jira biyaha Soomaaliya.

DHAMMAAD