Ra’iisalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday kulan uu la yeelan lahaa wasiirka arrimaha dibadda Jermalka oo booqasho ku jooga Israa’iil.
Wasiirka arrimaha dibadda ayaa loo sheegay in uu baaqday kulankii uu ra’iisalwasaaraha la lahaa wax yar uun ka hor wakhtigii ay ballansanaayeen.
Arrintani waxay salka ku haysaa muran markaa ka dhashay qorshahiisii oo ay ka mid ahayd in uu la kulmo qolyaha xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa oo garabka bidix u janjeera.
Madaxweynaha Turkiga Oo Dhigiisa Jarmalka kala Hadlay Khatarta Yurub Uga Iman-karta Dagaalka Iran.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo teleefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Jarmalka Frank-Walter Steinmeier, ayaa sheegay in dagaalka Iran uu “wiiqayo awoodda Yurub.”
Qoraal uu xafiiska Erdogan ku daabacay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay telefoon ku wada hadleen Arbacadii, isla markaana ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo dagaallada ka socda Iran iyo Ukraine.
Qoraalka ayaa u dhignaa: “Madaxweynaha Turkiga wuxuu xusay in dagaalka ka socda gobolkeenna uu sidoo kale daciifinayo Yurub, isla markaana haddii arrintan aan lagu wajihin hab ku saleysan nabad, khasaaraha ka dhasha muddada colaadda uu noqon doono mid aad u weyn.”
