Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa si aan leexleexad lahayn u muujiyay mowqif dagaal oo sii hurinaya xiisadda gobolka.
Isagoo ka hadlayay diyaar garowga milatari, Katz wuxuu sheegay in Israa’iil ay si buuxda ugu diyaarsan tahay inay dib u bilowdo dagaal ka dhan ah Iran ciidamada Israel-na ay heegan ugu jiraan difaac iyo weerar labadaba, iyadoo bartilmaameedyadii horey loo calaamadeeyay.
Hase yeeshee, go’aanka kama dambaysta ah wuxuu weli ku xiran yahay oggolaanshaha Mareykanka. Katz wuxuu carrabka ku adkeeyay in ujeeddadu tahay waxa uu ku tilmaamay dhameystirka ciribtirka nidaamka Ali Khamenei, iyo in la burburiyo xarumaha muhiimka ah ee tamarta iyo korontada Iran tallaabo uu sheegay inay dalka dib ugu celin karto xilli mugdi iyo dhagax ah.
