Madaxa Hay’adda Sirdoonkaka Somaliya Oo ka Qayb-galay Shirka Madaxda Sirdoonka Dalalka Carabta.(Sawiro)

by Heemaal
0 minutes read

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somaliya ee NISA Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qaybgalay fadhiga 7-aad ee Shirka Madaxda Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta, kaas oo ay ka qayb galeen 22 dal, shirkaas ayaa lagu qabtay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Waxaa shirkaas looga hadlay wadashaqaynta, iskaashiga iyo xog isdhaafsiga Hay’adaha Sirdoonka dalalka Carabta, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka iyo madax-banaanida dowladaha Carabta iyo caqabadaha amni ee xilligan ka jira, gaar ahaan ka hortagga kooxaha argagixisada ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.