HS: Barcelona waxay ka walwalsanayd xaaladda Lamine Yamal kadib markii Raphinha uu dhaawacmay oo maqnaanayo ku dhowaad shan toddobaad, taas oo kordhisay culayska saaran Yamal si uu u hoggaamiyo weerarka kooxda.
Si kastaba, Xiriirka Kubadda Cagta Spain (RFEF) ayaa u xaqiijiyay Barcelona in si taxaddar leh loo maareyn doono daqiiqadaha Yamal, iyadoo tababaraha Spain, Luis de la Fuente, uu sheegay inuusan ciyaaryahanka daalin doonin.
Inkasta oo markii hore laga shakiyay xaaladdiisa, Yamal si fiican ayuu u ciyaaray kulankii Serbia, wax dhibaato ahna ma muujin. Intaa waxaa dheer, safarka gaaban ee kulamada Spain ayaa ka caawinaya inuu si fiican u nasto.
Guud ahaan, Barcelona hadda way yara degan tahay maadaama la hubiyay in Yamal si taxaddar leh loo ilaalinayo.
Heemaal Sport.