Mareykanka ayaa oggolaaday in uu diyaaraddiisa dagaal ee casriga ah F-35 ka iibiyo Boqortooyada Sucuudi Careebiya, iyada oo noqoneysa dalka labaad ee heleuya Bariga-dhexe ka dib Israa||, sida ay werisey wakaaladda Reuters oo intaasi ku dartay in uu ka bixinayo adduun dhan $24.3 bilyan.
Sucuudi-ga, waxaa laga iibinayaa 48 xabbo oo ah diyaaradaha dagaalka ee dhuunta & qalabkooda tiknoolajiyeed, isaga oo heleya xilli uu wajahayo Xuutiyiinta Yemen.
Turkiga & Imqaraadka Carabta ayaa iyana sannado doonaya iibsiga diyaaraddan, waxa se Mareykanku dalal badan ugu diidan yahay si aan maclumaadkeedu u gaadhin Shiinaha, sida laga soo xigtey sirdoonka Aqalka-cad.
