Friday, September 18, 2026

Sacuudiga Oo ka Dalbaday Dawlada Suuriya inay usoo Dirto Dagaalyahano ka Taageera Dagaalka Xuutiyiinta

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sacuudiga, ayaa ka dalbaday dawladda Suuriya inay usoo dirto ciidamo iyo dagaallamayaal, si ay u galiso Yemen oo ay ula dagaallamaan Xuutiyiinta, balse madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac ayaa si cad u diiday oo codsiga boqortooyadda uga jawaabay; “ Suuriya waxay ku jirta dib u dhiska ciidanka, diyaarna uma aha dhinac dagaal loo adeegsado inay noqoto Suuriya.”

Wargeyska Türkiye Today, ayaa ilo Suuriyiin iyo Turki ah xogtan ka soo xigtay, iyadoo la sheegay dawladda Sacuudiga inay dadaal galisay sidii ay Suuriya uga heli lahayd dagaallamayaal gacan ka siiya la-dagaallanka Xuutiyiinta Yemen.

Maxamed Bin Salmaan, wuxuu gacan ku siiyay Axmed Sharac, xiriirkii uu la sameeyay Trump, oo kulankii u horreeyay ee Sharac iyo Trump ayaa ka dhacay Sacuudiga ka hor inta uusan Aqalka Cad tagin, sidoo kale Sacuudigu wuxuu siiyay Sharac, kaalmo dhaqaale iyo diblomaasiyadeed, balse intaa oo dhacday ma uusan oggolaan Sharac inuu Suuriya dagaal ka fog lagu soo jiido , oo Sacuudiga taageerrada uu bixiyay u adeegsado in mar kale Suuriya dabku qabsado.