Madaxweynaha Somaliland ayaa si adag uga hadlay weerarkii habeen hore lagu qaaday cashadii suxufiyiinta ee lagu qabtay Aqalka Cad ee dalka Maraykanka, kaas oo uu fuliyay nin hubeysan oo rasaas iyo mindiyo ku weeraray dadkii goobta ku sugnaa.
Madaxweyne Cirro ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid laga xumaado oo ka hor imanaya qiyamka dimuqraadiyadda iyo nabadda, isagoo si gaar ah walaac uga muujiyay isku dayga lagu badhtilmaameedsaday madaxweynaha Mareykanka .
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter), ayuu madaxweynuhu ku sheegay inuu aad uga naxay isku dayga weerarka, isla markaana uu ku faraxsan yahay in madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka, Marwada Koowaad iyo dhammaan dadkii kale ee goobta joogay ay badbaadeen.
“Waxaan aad uga naxay oo aan uga murugooday isku dayga weerar ee lagu qaaday madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Waxaan ku faraxsanahay in Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka, Marwada Koowaad iyo dhammaan dadka kale ay badbaadeen,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Somaliland si cad u diidan tahay dhammaan noocyada rabshadaha siyaasadeed, isaga oo xusay in aanay jirin meel uga banaan rabashadaha caynkaas ah nidaamka dimuqraadi ah.
“Somaliland si aan leexleexad lahayn ayay u diidan tahay dhammaan noocyada rabshadaha siyaasadeed, mana jirto meel ay kaga jiraan dimuqraadiyadda,” ayuu ku daray hadalkiisa.
Ugu dambeyn, Madaxweyne ayaa sheegay in Somaliland ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Mareykanka, xilli ay wajahayaan dhacdadan amni darro ee halista ah, taas oo si weyn u gilgishay gudaha Maraykanka.
Weerarka hubeysan ayaa habeenkii Sabtida ka dhacay afaafka hore ee hool lagu qabanayay casho sanadle ah oo suxufiyiinta loogu sameeyo Aqalka Cad ee magaalada Washington, halkaas oo uu ku sugnaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladdiisa.
Ninka weerarka geystay oo watay qoryo iyo mindiyo ayaa isku dayay inuu gudaha u galo hoolka, balse waxaa si degdeg ah u qabtay ciidamada sirdoonka, iyadoo madaxweynuhu uu si nabad ah uga badbaaday dhacdada.
