Madaxweyne Trump ayaa Khamiista maanta ah warbixin ku saabsan qorshayaal milatari oo ka dhan ah Iiraan ka dhageysan doona Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee bariga dhexe (CENTCOM), Adm. Brad Cooper, Tani ayaa muujineysa in Trump uu si dhab ah u tixgelinayo inuu dib u billaabo duqeymo waa weyn oo cabsi hor leh abuuraya.
Qodobada ugu muhiimsan ee hadda latabinayo waxaa kamid ah duqeymo kooban hayeeshee xoog badan oo laga fakarayo, in lagu beegsado kaabayaasha dhaqaalaha ilaa Iran lagu qasbo miiska wada xaajoodyada, iyadoo ka tanaasulaysa Nuclear-keeda.
Marinka Hormuz, waxaa la filayaa in loo soo bandhigo qorshe ciidanka dhulka loo adeegsanayo si loola wareego qayb ka mid ah marinka Hormuz, si loogu furo maraakiibta ganacsiga.
Kaydka Uranium-ka, waxaa sidoo kale laga yaabaa in laga wada hadlo howlgal gaar ah oo lagu xaqiijinayo sugitaanka Badbaadada kaydka Iiraan ee Uranium-ka aadka loo bacrimiyey oo gala gacanta Mareykanka.
Trump ayaa aaminsan in go’doominta dhanka badda ee hadda saaran Iiraan ay ka waxtar badan tahay duqeynta, balse wuxuu diyaar u yahay tallaabo milatari haddii Iiraan ay Is dhiibi weydo, xili Dhanka kale, saraakiisha Mareykanka ayaa ka walaacsan in Iiraan ay weerar aargoosi ah ku qaaddo ciidamada Mareykanka ee gobolka ku sugan.
