Monday, November 9, 2026

Israa’iil Oo Mareykanka Uga Digtay Suurtagalnimada In Iiraan Adeegsato Hub Kiimiko Ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Sirdoonka Israa’iil ayaa la sheegay inuu Mareykanka uga digay in Iiraan laga yaabo inay ka fiirsanayso adeegsiga hubka kiimikada ah haddii xiisadaha gobolka ay sii kordhaan, sida uu qoray wargeyska The New York Times.

Digniintan ayaa la sheegay inay kala qaybisay saraakiisha Mareykanka, iyadoo qaar ay ka shakiyeen in Israa’iil ay isku dayayso inay Trump ku riixdo tallaabo milatari oo ka dhan ah Tehran.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro caddeyn madax-bannaan oo xaqiijinaysa in Iiraan qorshaynayso adeegsiga hubkaas.

Dhinaca kale Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in hawlgallada militari ee ka dhanka ah Iiraan aysan weli dhammaan, isaga oo Tehran ku eedeeyay inay dib u bilowday dadaallada ay ku horumarinayso hubka nukliyeerka.

Katz ayaa sidoo kale ka digay in Israa’iil ay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay u aragto inay ku ciribtirayso khataraha amni, isagoo sheegay inaysan ka bixi doonin goobaha amniga ee Gaza, Lubnaan iyo Suuriya ilaa khatarahaas laga saaro.