Shirkadaha diyaaradaha caalamka ayaa wajahaya cadaadis ka dhalanaya hoos u dhaca shidaalka ay diyaaradaha ku shaqeeyaan, sabab la xiriirta xirnaashaha marinka Hormuz , iyadoo shirkadaha diyaaradaha qaarkood ay ka fakarayaan inay yareeyaan tirada diyaaradaha ay duulimaadyada ku sameeyaan, raadiyaan maalgelin dibadda ah ama ay shirkaduhu isku biiraan , si ay uga gudbaan caqabadan oo sidoo kale saameynaysa safarada diyaaradaha.
Marin-biyood Hormuz hadda wuxuu u yahay Iiraan, kaarka ugu weyn ee ay ku gorgortamayso, wuxuuna xirnaashihiisa saameeyay guri kasta oo caalamka , taasoo ugu dambeyn ku riixi doonta Trump inuu beddelo mowqifkiisa cunaqabateynta dekedaha ee Iiraan.
