Heemaal News Network

Kylian Mbappe Oo Maxkamad Paris Ku Taala U Xukuntay 60 Milyan Oo Yuuro

Maxkamad shaqaale oo ku taalla Paris ayaa ku amartay kooxda Paris Saint-Germain (PSG) inay Kylian Mbappé siiso 60 milyan oo yuuro (€70.6m) oo ah mushahar iyo gunnooyin aan hore loo bixin, taas oo qayb ahaan soo afjartay mid ka mid ah muranadii ugu adkaa ee kubadda cagta Faransiiska.

Go’aanka la gaaray Talaadadii wuxuu yimid kadib bilo muran sharci ah, kaddib markii weeraryahanka xulka Faransiiska uu PSG maxkamad la tiigsaday, isaga oo sheegay in mushaharkiisa bilaha Abriil, Maajo iyo Juun 2024 aan la siin, wax yar ka hor inta uusan ka tagin horyaalka Ligue 1 si uu ugu biiro Real Madrid isagoo xor ah.

“Waxaan ku qanacsanahay go’aanka maxkamadda. Tani waa wixii laga filan karay marka mushahar la bixin waayo,” ayay tiri qareenka Mbappé, Frederique Cassereau, oo la hadashay warbaahinta.

Maxkamaddu waxay ogaatay in PSG aysan bixin saddex bilood oo mushaharka Mbappé ah, gunno anshax (ethics bonus), iyo gunno saxiix (signing bonus) oo ku xusnaa qandaraaskiisa shaqo.

Lacagahaas waxaa horey loo aqoonsaday inay waajib ku yihiin PSG, laba go’aan oo ay soo saartay Xiriirka Kubadda Cagta Xirfadlayaasha Faransiiska bishii Sebtembar iyo Oktoobar 2024, waxaana garsoorayaashu sheegeen in PSG aysan keenin wax heshiis qoraal ah oo muujinaya in Mbappé uu ka tanaasulay xuquuqdiisa.

Garsoorayaashu waxay diideen doodda PSG ee ahayd in Mbappé gebi ahaanba laga qaado mushaharkiisa aan la bixin, balse sidoo kale way diideen dhowr dacwo oo kale oo uu ciyaaryahanku soo gudbiyay, oo ay ku jireen eedeymo ku saabsan shaqo qarsoon, dhibaato anshaxeed (moral harassment), iyo ku xadgudbid waajibaadka badbaadada ee loo-shaqeeyaha.

Maxkamaddu sidoo kale ma aysan u arkin qandaraaska waqtiga-go’an ee Mbappé mid joogto ah, go’aan xaddiday qaddarka magdhowga suurtagalka ah ee la xiriira eryid iyo lacagta ogeysiiska.