Maxaa ka jira in Safaarada Mareykanka ay Shir ku Casuuntay DF & Mucaaradka?

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Xalane lagu wado inuu ka qabsoomo shir xasaasi ah oo saddex geesood ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka oo door dhexdhexaadin ah qaadaneysa. Shirkaasi ayaa la qorsheynayaa inuu dhaco 13-ka bishan May, iyadoo xaaladda siyaasadeed ee dalka ay mareyso heer aad u cakiran.

Sida wararku sheegayaan, kulankan ayaa noqon kara isku daygii ugu horreeyay ee rasmi ah oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda siyaasadeed ee sii xoogeysaneysa, gaar ahaan muranka la xiriira doorashooyinka, amniga magaalada Muqdisho iyo khilaafka dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay shirka uga qeybgalaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ama Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac. Halka dhinaca mucaaradka ay matalayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in labada dhinacba ay xaqiijiyeen jiritaanka wada-hadalladan, balse aan weli si rasmi ah loo shaacin ajendaha qodobada looga hadli doono. Si kastaba ha ahaatee, ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in arrimaha ugu waaweyn ee miiska saaran ay kamid noqon doonaan muranka doorashooyinka dalka, nidaamka doorashada qof iyo codka, amniga Muqdisho, bannaanbaxyada mucaaradka iyo doorka beesha caalamka ee xalinta khilaafka siyaasadeed.

Waxaa sidoo kale muuqata in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aqbashay dalab ay mucaaradku horay u soo jeediyeen oo ahaa in wada-hadallada lagu qabto goob dhexdhexaad ah oo ay goob-joog ka yihiin xubno ka socda beesha caalamka. Arrintan ayaa loo fasiranayaa tanaasul siyaasadeed oo dowladda ay sameysay si loo yareeyo xiisadda iyo cadaadiska siyaasadeed ee ka jira caasimadda.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho iyo diblomaasiyiin kale oo ka socda beesha caalamka, gaar ahaan safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa la sheegay inay door muuqda ka qaadanayaan fududeynta wada-hadalladan iyo isku soo dhaweynta labada dhinac ee isku haya jihada siyaasadeed ee dalka.

Khilaafka ugu weyn ee taagan ayaa la xiriira qorshaha dowladda ee ku aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah iyo sida loo wajahayo geeddi-socodka siyaasadeed ee soo socda. Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda inay kaligeed waddo qorshe siyaasadeed oo aan loo dhameyn, halka dowladda ay ku doodayso inay hirgelinayso nidaam dimuqraadi ah oo shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah codkooda ugu dooranayaan hoggaankooda.

Dhinaca kale, waxaa jira walaac ku saabsan sida uu kulankan ku qabsoomi doono, maadaama Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud lagu wado inuu 11-ka bishan safar rasmi ah ugu ambabaxo dalka Uganda. Lama oga in safarkaasi dib u dhac ku keeni doono kulanka ama in shirka lagu qaban doono jadwalkii loo qorsheeyay.

Si kastaba, indhaha siyaasadda Soomaaliya iyo kuwa beesha caalamka ayaa hadda si weyn ugu jeeda kulankan la filayo, maadaama uu noqon karo fursad lagu yareeyo xiisadaha siyaasadeed ee cirka isku shareeray iyo in la helo is afgarad horseeda xasillooni siyaasadeed iyo heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka iyo maamulka dalka.