Somaliland oo Nin Ajanabi ah u Magacawday Ergayga Giriigga oo ka Mid ah Saaxiibbada Israa’iil

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa Dimitrios Tourikis u magacawday Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsanaan doona dalka Giriigga, tallaabadaas oo qayb ka ah dadaallada Somaliland ay ku xoojinayso xidhiidhkeeda diblomaasiyadeed ee qaaradda Yurub.

Dimitrios Tourikis oo u dhashay dalka Giriigga ayaa magacaabistiisa ku xaqiijiyay qoraal uu ku baahiyay barta X, isaga oo sheegay inuu sharaf weyn u arko xilka loo magacaabay. Waxa uu sheegay inuu kala shaqayn doono Somaliland horumarinta xidhiidhka ay la leedahay Jamhuuriyadda Hellenic ee Giriigga.

Magacaabistan ayaa ku soo beegmaysa xilli gobolka Geeska Afrika uu ka jiro loollan siyaasadeed iyo mid istiraatiiji ah, gaar ahaan iyadoo Turkigu sii ballaadhinayo saamayntiisa Soomaaliya isla markaana uu si cad uga soo horjeedo dadaallada Somaliland ay ugu jirto aqoonsi caalami ah. Xidhiidhka u dhexeeya Turkiga iyo Giriigga ayaa sidoo kale muddo dheer ku suntanaa khilaafyo siyaasadeed iyo kuwo istiraatiiji ah.

Warbaahinta Giriigga ayaa bilihii u dambeeyay si weyn uga hadlaysay Somaliland, gaar ahaan tan iyo markii dowladda Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland dabayaaqadii sannadkii 2025. Inkasta oo aanay jirin wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Giriigga oo ku saabsan aqoonsi ama xidhiidh cusub.

falanqeeyayaal qaar ayaa tilmaamaya in ay suuragal tahay in Athens ay mustaqbalka Somaliland la yeelato xidhiidh dhaw, iyada oo la eegayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Giriigga iyo Israa’iil. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaan weli faahfaahin dheeraad ah ka bixin waajibaadka rasmiga ah ee ergayga cusub iyo kulamada uu la yeelan doono masuuliyiinta Giriigga.

Somaliland ayaa rabta in ay xidhiidh dhaw la yeelo waddamada xidhiidhka fiican la leh Israa’iil iyo Maraykanka madaama oo ay suuragaltahay in laga dhaadhicin karo qadiyada Somaliland marka loo eego dowladaha kale ee kasoo horjeeda tallaabooyinka Israa’iil.