Wednesday, November 11, 2026

Turkiga, Pakistan iyo Ciraaq oo Garab Istaagay Iiraan, Diidey-na Qorshe uu Watay Mareykanka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wargeyska New York Times ayaa soo bandhigay inuu Mareykanka diidmo kala kulmay dalalka Turkiga, Pakistan iyo Ciraaq oo Mareykanku ku cadaadiyay tallaabo ka dhan ah Iiraan.

Warbixintan waxaa lagu sheegay in tallaabadii ugu horreysay ee ololaha Mareykanka uu ku doonayo inuu dhaqaale ahaan ku curyaamiyo Iiraan ay ahayd go’doominta dekedaheeda, taas oo lagu jaray ganacsigii Iiraan ee badda. Intaas kaddib, Mareykanku wuxuu soo rogay cunaqabataynno cusub oo sababay in inta badan duulimaadyadii dalkaasi istaagaan.

Hadda Mareykanku wuxuu bartilmaameedsanayaa marinkii ugu dambeeyay ee dhaqaale ee Iiraan u furnaa, kaas oo ah waddooyinka dhulka ee ay ganacsiga kula leedahay dalalka deriska ah. Hase yeeshee, Mareykanku wuxuu arrintan kala kulantay caqabad.

Turkiga inta badan wuu diiday inuu wax ka beddelo siyaasaddiisa xuduudaha, halka Ciraaq ay diidday codsi Mareykanku ku doonayay in la xiro dhammaan marinnada xuduudaha.

Diidmada dalalkan ayaa caqabad ku noqotay dadaalka Mareykanka ee lagu adkeynayo go’doominta dhaqaale ee Iiraan. Taas beddelkeeda, maamulka Trump ayaa hadda bilaabay hawlgalka lagu bartilmaameedsanayo ganacsiga xuduudaha isaga gudba iyo tahriibinta badeecadaha.