Trump Oo Sheegay in Iran ay Siiyeen Wakhti ay ku Aastaan Hogaamiyahoodii Sare

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay siisay Tehran muddo hal toddobaad ah si ay u aasaan hoggaamiyihii hore ee sare ee Iran Cali Khamenei, isagoo yiri “maxaa yeelay dad wanaagsan ayaa nahay.”

Waaxaa xusid mudan in Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan lagu dilay weerarro ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan.

Isagoo ka hadlayay furitaanka xuska 250-aad ee aasaaska Mareykanka oo ka dhacay Mount Rushmore National Monument habeenkii Jimcaha, Trump wuxuu ku andacoodey in Iran ay dooneyso inay “heshiis la gaarto” Mareykanka.

“Waxaan hal maalin ku jabinnay Venezuela, sidoo kalena si weyn ayaan u waxyeellaynay Iran,” ayuu yiri, isagoo xusay waxa uu ku tilmaamay awoodda milatari ee Mareykanka. “Waxay si aad ah u doonayaan heshiis, aad bayna u rajo beeleen inay arrintan xalliyaan.”

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan siinnay hal toddobaad si ay u aasaan, maxaa yeelay waan wanaagsan nahay.”