Yair Lapid, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Isra||L, kana mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee la shaqaynaya Gadi Eisenkot si loo dhiso xukuumad beddesha Netanyahu, ayaa hore uga soo horjeestay habkii loo maray aqoonsiga Somaliland.
Lapid wuxuu sheegay in aqoonsiga Somaliland aanu ansixin golaha wasiirrada ama golaha amniga Isra||L, balse uu ahaa go’aan ka yimid xafiiska Netanyahu.
Iyadoo Eisenkot uu hoggaaminayo xisbiga Yashar ee sahannada qaar ku horreeya, bixitaanka Netanyahu wuxuu Somaliland u keeni karaa hubanti la’aan ku saabsan mustaqbalka xidhiidhka labada dhinac.
Si kastaba ha ahaatee, mucaaradku weli ma shaacin qorshe rasmi ah oo lagu laalayo aqoonsiga Somaliland, balse waxa la saadaalinaya in haddii Netanyaahu xukunka ka dego dib u qaabayn cusub ku dhacayso siyaasadda Arrimaha Dibadda Isra||L taaso saamayn karta galka Somaliland.
