Xiddiga kubadda cagta ee Faransiiska, Kylian Mbappé, ayaa raalli-gelin ka bixiyey hadal uu ka yidhi hoggaamiyihii hore ee Shiinaha, Mao Zedong, kaas oo dhaliyey dood iyo falcelin xooggan.
Arrintu waxay ka bilaabantay wareysi Mbappé lagu weydiiyey sawirrada iyo muuqaallada garaadka macmalka ah (AI) lagu sameeyo ee isaga lagu matalo. Isaga oo ka falcelinaya sawir wejigiisa lagu dul saaray sawirka Mao Zedong, ayuu ku tilmaamay hoggaamiyahaas “kaligii taliye Shiine ah,” taas oo dhalisay muran.
Mao Zedong wuxuu ahaa hoggaamiyihii aasaasay Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha sannadkii 1949kii, waxaana uu dalkaas xukumayey muddo dheer.
Hadalkan Mbappé ayaa loo arkay mid meel ka dhac ku ah hoggaamiye weli muhiimad taariikheed ku leh Shiinaha.
Muranka ayaa sababay in shirkado ganacsi oo Shiinaha ku yaalla ay joojiyaan xidhiidhkii ay la lahaayeen Mbappé. Dhanka kale telefishanka dawladda Shiinuha ayaa hakiyey baahinta ciyaaraha horyaalka La Liga.
Mbappé ayaa markii dambe qoraal rasmi ah ku sheegay inuu fahmay in hadalkiisu dhaawacay dadweynaha Shiinaha iyo bulshooyinka Shiinaha ee dunida ku kala nool, isaga oo raalli-gelin ka bixiyey, isla markaana sheegay inuu ixtiraam weyn u hayo shacabka Shiinaha iyo taariikhdooda
