Heemaal News Network

Taliyaha Boliska Somalia Oo shir Deg-deg ah la Qaatay Saraakiisha Laamana Amniga (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kulan dag dag ah iskugu yeeray Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ee ka Howlagalo Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa,

Ujeedka kulanka ayaa ahaa dardar galin Howlaha amni ee Caasimada maadaama bishii barakeysned ee Ramadaan ay Gabagabo tahay loona diyaar garoobo sidii loo xaqiijin lahaa amniga muwaadiniinta Maalmaha ciida ee nagu soo food leh u dabaaldagayo,

S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa dhamaan Saraakiisha fadhiyada Qeybaha saldhigayada Nabad sugida iyo Boliis Militaaro, in laga shaqeyo sidii loo laba jibaari lahaa amniga Caasimada iyo Nawaaxigeeda.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa sidoo kale warbixino ka dhegeystay saraakiisha ciidamada iyo taliyeyaasha saldhigyada kuwaasoo la xiriiray xaaladihii ugu dambeeyey ee amniga.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Duqa Muqdisho Oo Amar ku Bixiyey in 10:00 PM ka hor aysan Socon karin Gaadiidka Xamuulka ah.

Heemaaln

Maxaa ka jira in Mid ka mid ah Raggii Weeraray Hotel SYL Uu ka Tirsanaa Shaqaalaha BFS?

Heemaaln

“Cida Dhulkayaga Noogu Timaada waanu Iska Celin Doonaa”. Haweenka Awdal Oo Hanjabaad Culus Diray

Heemaaln